Kooxda Arsenal ayaa xiddiga Real Madrid ee Aurelien Tchouameni ku dartay Liiska xiddigaha khadka dhexe ee ay doonayso suuqa xagaaga.
Sida laga soo xigtay football transfers, Arsenal ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga Real Madrid hadii ay ku fashilanto saxiixa xiddigaha Moises Caicedo Iyo Romeo Lavia.
Gunners ayaa xiiso wakhti dheer ah u haysa saxiixa xiddiga reer France waxana ay doonayaan in ay haatan keenaan Emirates hadii ay ku fashilmaan saxiixa labada xiddig ee Premier League ka ciyaara
Tchouameni ayaa soo qaatay xilli ciyaareed aan fiicnayn laakiin Real Madrid ayaa xiddiga khadka dhexe u aragta xiddig ka mid ah qorshaha kooxda ee xilli ciyaareedka dambe.
Tababare Carlo Ancelotti ayaa xiddiga u sheegay in uu kulamo badan ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe iyada oo ayna kooxdu aqbali doonin wax ka yar 100 milyan oo euro.
Tchouameni ayaa sidoo kale xiiso ka helaya kooxda Liverpool oo muddo lala xidhiidhinayay saxiixiisa.
Sii Akhriso: Kitaab Quraanka Kariimka Ah Oo Lagu Gubay Dalka Sweden, Sabab.

Related



Source link