Arsenal ayaa heshiis la gaartay Ajax si ay ula soo wareegto Jurrien Timber, sida ay wararku sheegayaan.
Agaasimaha ciyaaraha ee Gunners Edu ayaa u muuqday mid ku guulaystay inuu qiimo dhimis wayn ku sameeyo ciyaartoyga marka loo eego qiimayntiisii hore.
Timber ayaa u soo muuqday daafaca ugu sareeya ee diirada u saaran Arsenal horaantii bishaan. Waxaa laga soo diiday dalab furitaanka oo ku kacaya 30 milyan oo euro.
Athletic ayaa xiligaas sheegtay in Ajax ay ku dooneysay lacag dhan £50m oo euro laakiin waxa ay u muuqataa in ay ku heleen qiimo aad uga yar qiimahaas.
Wargayska reer Netherlands ee De Telegraaf ayaa sheegaya in ay Arsenal iyo Ajax ka heshiiyeen qiimaha xiddiga Timber waxana ay Arsenal ka bixinaysaa xiddiga lacag dhan 36 milyan oo euro.
Qiimaha guud ee Timber ayaa kor ugu kici doona 40 milyan oo euro marka lagu daro lacagaha gunooyinka ah.
Related