Manchester United ayaa hadda si rasmi ah wadahadalo ula furtay kooxda Brighton iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Moises Caicedo, sida ay wararku sheegayaan.
Red Devils ayaa isku dayi doonta in ay keensato xiddiga Ecuador haddii uu burburo dadaalada ay ku doonayaan saxiixa xiddiga Mason Mount.
Man United ayaa laga diiday 3 dalab oo ay ku doonayso Maunt waxana ay ku hanjabtay in ay ka bixi doonto wadahadalada ka hor inta ayna go’aansan in ay miiska wadahadalada ku soo laabato.
Lakaiin hadii ay dhacdo in ay chelsea kala heshiin waayaan saxiixa Mount, United ayaa diirada saari doonta in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga Caisedo waxana ay haatan wadahadalo la fureen Brighton sida laga soo xigtay TalkSPORT.
Arinta la yaabka leh ayaa ah in ay Chelsea xiiso u qabtay saxiixa xiddiga isla markaas ay United doonayso in ay khal-khaliso dadaalada Chelsea ee saxiixa xiddiga.
Chelsea ayaa la rumaysanyahay in ay heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Caicedo waxana ay haatan doonayaan in ay wadahadalo la furaan Brighton si ay ugala heshiiyaan qiimaha xiddiga.

Related



Source link