Man United ayaa dib u bilaabaysa dadaalada ay ku doonayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea Mason Mount sida ay sheegayaan wararku.
Kooxda Man United ayaa todobaadkan wadahadalo fool-ka fool ah la yeelan doonta chelsea si ay xal uga gaadhaan saxiixa xiddiga reer England.
Chelsea ayaa Man United ka diiday 3 dalab kuwaas oo ayna Blues ku qancin maadama ay ka hooseeyaan qiimaha ay ku doonayaan xiddiga.
Dalabkii ugu dambeeyay ee laga diiday Red Devils ayaa ah 55 milyan oo euro xilli ay chelsea dalabnayso lacag dhan 67 milyan oo euro.
Sida ay sheegayaan wararku kooxda Man United ayaa mar kale dalab ka gudbin doonta saxiixa xiddiga iyaga oo wadahadalo toos ah la yeelan doona. Chelsea.
Sii Akhriso: Qaybo Ka Mid Ah Soomaaliya Oo Aan Laga Ciidin Ciidul Adxada, Sabab.

Related



Source link