Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Bayern Munich laakiin kooxda reer England ayaan donayn in ay bixiso wax ka badan 60 milyan oo euro (Guardian).
Arsenal ayaa dalab 105 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham ee Declan Rice (Athletic).
Kooxda Man City ayaa ka baxday tartanka ay ugu jirtay saxiixa xiddiga khexe ee Decland Rice (Metro).
Tottenham ayaa ku dhaw in ay 40 milyan kula wareegto xiddiga Leicester City ee James Maddison (Sky Sport).
Kooxda Liverpool ayaa doonaysa in ay saxiixa Kylian Mbappe kula tartanto kooxda Real Madrid (Marca).
Kooxda Man United ayaa sidoo kale doonaysa in ay ku biirto tartanka saxiixa xiddiga Kylian Mbappe (Sun).
Inter Milan ayaa doonaysa in ay dalab cusub oo amaah ah ka gudbiso xiddiga weerarka uga ciyaara Chelsea ee Romelu Lukaku (Telegraph).
Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay hal mar wada dhamaystirto saxiixa xiddigaha Jurrien Timber Iyo Kai Havertz (Sky Sport).
Man United ayaa Brighton wadahadalo kala furtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Moises Caicedo (Talksport).
Kooxaha Man United iyo chelsea ayaa wadahadalo waji-ka waji ah u kulmi doona si ay uga wadahadalaan saxiixa xiddiga Mason Mount (Metro).
Kooxda chelsea ayaa Galatasaray ka diiday dalab ay ku doonayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara ee Pierre-Emerick Aubameyang (Telegraph).
Madaxweynaha Benfica Rui Costa ayaa rajeynaya in Manchester United ay bixin doonto qiimaha 80 milyan ee ay ku iibinayaan xiddiga weerarka ka ciyaara ee Goncalo Ramos (Correio de Manha).
Kooxda Man United ayaa doonaysa saxiixa Goolhayaha Kooxda Aston Villa ee Emiliano Martinez (Football Insider).
Kooxda Ajax ayaa Man United u sheegtay in ay bixiso 40 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga Mohammed Kudus (Daily Mail).
Sii Akhriso: Qaybo Ka Mid Ah Soomaaliya Oo Aan Laga Ciidin Ciidul Adxada, Sabab.
Related