Kooxda Arsenal ayaa dalab 3-aad ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso khadkeeda dhexe.
Arsenal ayaa kooxda West Ham miiska u saartay lacag dhan 100 milyan oo toos ah halka ay raacinayso 5 milyan oo Gunooyin ah.
Gunners ayaa Rice ka dhigtay bartilmaameedkooda 1-aad ee suuqa xagaaga waxana ay doonayaan in ay dhamaystiraan saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Kooxda West Ham ayaan wali ka jawaabin dalabka Arsenal laakiin waxa ay u badantahay in ay aqbasho dalabka Arsenal ku doonayso xiddiga.
West Ham ayaa horay u dalbanaysay lacag dhan 100 milyan ah waxana ay Gunners miiska saartay lacag ka badan inta ay West Ham doonaysay.

Related



Source link