Daafaca kooxda Arsenal ee Jakub Kiwior ayaan ka cabsanayn in uu u dagaalamo booskiisa xilli ciyaareedka dambe.
Daafaca dhexe oo Arsenal ku soo biiray suuqii January ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu jiro tartan dheeri ah imaatinka Jurrien Timber.
Hadii uu daafaca reer England ku soo biiro Arsenal Kiwior ayaa heli doona daqiiqado yar oo ciyaaris ah xilli ciyaareedka dambe.
“Waan ku faraxsanahay inuu jiri doono tartan badan”ayuu Kiwior ku jawaabay mar uu wariye waydiiyay.
“Yaa soo socda?”
Kadib waxaa loo sheegay in Timber uu ku biiri doono Arsenal waxana uu ku jawaabay”aa wax aad u wanaagsan in Timber uu ku soo biirayo Arsenal, ciyaartoyda ugu fiican ha ka ciyaaraan Arsenal”.
“Aan badino kulamada oo aan koobab wada qaadano”.

Related



Source link