Xiddiga kooxda chelsea ee Mason Mount ayaa iska xaadirin doona tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub waxana uu isku diyaarin doonaa safarka kooxda chelsea ee Maraykanka.
Man United ayaa ku fashilantay 3 dalab oo ay ka gudbisay Mason Mount inkasta oo uu xiddiga reer England heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Red Devils.
Xiddigaha kooxda chelsea ee aan ka qayb galin waajibaadka xulalkooda ayaa bilaaban doona tababarka khamiista dambe.
Mount ayaan la filayin uu waqada bixitaanka u gudbiyo kooxda Chelsea sida ay horay u sameeyeen xiddigo kale inkasta oo uuna heshiis cusub u saxiixi doonin kooxda.
Tababare Mauricio Pochettino oo Isniinta bilaaban doona shaqadiisa ayaa rajaynaya in uu xiddiga Mount ka diro kooxdiisa ka hor inta ayna kooxdu u duulin maraykanka.
Tababaraha kooxda Man United ayaa dhinaca kale bilaaban doona 12 bisha dambe ee soo socota.
Related