Manchester City ayaa dalab rasmi ah ka gudbisay ciyaaryahanka khadka dhexe ee West Ham Declan Rice iyagoo doonaya inay Arsenal ku garaacaan heshiiska weyn ee xagaaga.
Dalabka ugu horreeya ee kooxda heysata Premier League ayaa qiimihiisu yahay £80m oo lacag toos ah iyo waliba 10 milyan oo Gunno ah sida laga soo xigtay The Athletic.
West Ham ayaa doonaysa dalab 100 milyan ah kadib markii ay Arsenal ka diiday dalab 90 milyan ah.
Gunners ayaa la rumaysanyahay in ay hogaaminayso tartanka Loogu jiro xiddiga kaas oo doonaya in uu u dhaqaaqo Emirates.
Laakiin Xiisaha Man City ayaa wal-wal ku kenay Man City waxana ay haatan isku diyaarinaysaa in ay ka jawaabto dalabka Man City.
Rice ayaa muhiim u noqday Man City xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo kooxda kula guulaystay koob yurub ah.
Sii Akhriso: Ku Dhawaad 70 Masuul Oo Ka Tirsan Xukuumada Somaliya Oo Loo Xidhay Dambi Musuq-Maasuq
 

Related



Source link