Kalidou Koulibaly ayaa qiray in ay ku adkeyd in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisa ugu wacnaa mudadii halka sano ahayd ee uu joogay Chelsea.
Xagaagii hore, Blues ayaa bixisay lacag lagu sheegay 33 milyan si ay u hesho saxiixa daaficii mudada dheer Napoli, kaasoo loo keenay bedelka Antonio Rudiger.
Koulibaly ayaa si fiican ku bilowday wakhtigiisa chelsea isaga oo dhaliyay gool kulankii ay chelsea iyo Tottenham ku kala bexeen abr-baro.
Laakiin wixii intaas ka dambeeyay xiddiga ayaa si weyn ugu dhibaatooday in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkii looga bartay.
Guud ahaan Koulibaly ayaa chelsea ku bilowday shaxdeeda 29 kulan halka uu 3 kale badal ku soo galay tartamada oo dhan.
Koulibaly ayaa sheegay in tababarayaashii badnaa ee is badalayay chelsea in ay sabab u ahayd qaab ciyaareedkii xumaa ee uu ku soo bandhigay chelsea.
Koulibaly ayaa yiri: “Chelsea, waxaan ku soo qaatay khibrad weyn, premier League waa mid cajiib ah oo ay joogaan xiddigo badan”.
“Waxan filayay in aanu ciyaaro sidii Napoli laakiin may dhicin sababta oo ah waxa i saameeyay badalka tabababarayaasha badan”

Related



Source link