Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay Arsenal u soo bandhigtay fursad ay isku dhaafsan karaan xiddigaha Thomas Partey & Arthur Melo inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Inkasta oo uu door muhiim ah ka ciyaaray u soo bixista Arsenal ee champions League hadana Partey ayaa laga fasixi doonaa kooxda.
xiddiga reer Ghana oo 3 jir noqday bilowgii bishan ayuu 2 sano uga dhimanyahay heshiiskiisa kooxda Arsenal waxana dhibay dhaawacyo.
Partey ayaa xiiso ka helay kooxaha ka ciyaara horyaalka sucuudiga laakiin waxa uu doorbidayaa in uu sii joogo yurub Juventus ayaana ah dookhiisa 1-aad.
Sida laga soo xigtay Tuttojuve, kooxda Juventus ayaan diyaar u ahayn in ay bixiso lacagta 20-ka milyan ee ay Arsenal dalbanayso.
Laakiin taas badalkeeda Juventus ayaa Arsenal u soo bandhigtay in ay is dhaafsadaan xiddigaha Thomas Partey & Arthur Melo.
Related