Kooxda Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Harry Kane sida ay sheegayaan wararku.
Bayern Munich ayaa daab 70 milyan oo euro ah iyo gunooyin ah ka gudbisay saxiixa Harry Kane si ay u hesho saxiixiisa inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Kooxda Munich ayaa suuqa ugu jirta badalka Lewandowski kaas oo ka tagay xagaagii hore kuna biiray kooxda Bayern Munich.
Thomas Tuchel ayaa xiddiga reer England u arka mid ka caawin kara kooxdiisa in ay ku tartanto champions League xilli ciyaareedka dambe.
Harry Kane ayaa diyaar u ah in uu isaga tago kooxda Tottenham iyada oo uu hal sano ka dhimanyahay heshiiskiisa kooxda.
Related