Kooxda Ac Milan ayaa si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea Ruben Loftus-Cheek sida lga soo xigtay wargayska The Athletic.
Xiddiga 27 jirka ah ayaa ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee hesiiskiisa chesea waxana uu ku biiri doonaa horyaalka Talyaaniga.
Kooxaha Ac Milan iyo chelsea ayaa haatan ka heshiiyay qiimaha xiddiga oo dhan 15 milyan oo euro iyo lacago gunooyin ah.
Xiddiga Ruben Loftus-Cheek ayaa qalinka ku duugaya heshiis 4 sano ah oo uu ku joogayo kooxda ku ciyaarta garoonka San Siro.
Xiddiga khadka dhexe ayaa Ac Milan kula biiri doona xiddiga Fikayo tomori kaas oo ay ka soo wada bexeen akademiyada kooxda chelsea.

Related



Source link