Roberto Firmino ayaa wadahadalo kula jira kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al-Ahli sida ay sheegayaan wararku.
Weeraryahankii hore ee Liverpool ayaa ah xiddig xor ah kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxda Liverpool.
Firmino ayaan wali koox ku biirin waxana si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Barcelona iyo kooxo kale.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa uu haatan qarka u saaran in uu ku biiro horyaalka sucuudiga sida uu sheegay Fabrizio Romano.
Roberto Firmino ayaa wadahadalo kula jira kooxda Al-Ahli si uu u noqdo saxiixoodii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.
Firmino ayaa Benzema, Ronaldo iyo Kante kula biiraya horyaalka sucuudiga oo wakhtigii ugu dambeeyay noqday meel ay xiddigaha waaweyn ku xirtaan.

Related



Source link