Liverpool ayaa si lama filaan ah ugu cad-cad in ay la saxiixato xiddiga weerarka uga ciyaara Napoli ee Victor Osimhen xilli uu xiiso ka helayo Man United.
Chelsea, PSG iyo Bayern Munich ayaa sidoo kale lala xiriirinayay weeraryahanka Nigeria, oo 24 jir ah, kaasoo ku guulaystay gooldhalinta Serie A xilli ciyaareedkii hore iyadoo Napoli ay qaaday horyaalkeedii ugu horeysay muddo 33 sano ah.
Osimhen ayaa soo bandhigay xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa isaga oo dhaliyay 31 gool 39 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Sida laga soo xigtay La Gazzetta dello Sport, Liverpool ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro Osimhen kaas oo ay kooxdiisu ku iibinayso lacag ka badan 70 milyan oo euro.
Xiisaha Liverpool ee xiddiga 24 jirka ah ayaa imanaya xilli lala xidhiidhinayo kooxaha Chelsea iyo Man United kuwaas oo suuqa ugu jira weeraryahan cusub.
Related