Ilkay Gundogan ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay ku biiristiisa Barcelona.
Kabtanka Manchester City ayaa saaka si Rasmi ah ugu biiray kooxda Barcelona iyada oo kooxdu ku dhawaaqday heshiiska.
Gundogan ayaa saxiixay heshiis dhacaya 2025 waxana uu u sheegay Tribune: “Hadii aan ka tagayo Man City, Barcelona ayaa ahayd kooxda kaliya ee aan uga tagayo, halka arin ee macno ii samaysay waxa ay ahayd Barcelona ama in aan sii joogo Man City”.
“Waxaan ku riyoonayay Barcelona tan iyo markii aan yaraa, waxaan ku qanacsanahay in ay ii harsan yihiin dhowr sano oo wanaagsan oo heerka ugu sareeya ah, waxaana u isticmaali doonaa inay Barcelona ku soo celiso halkii ay kooxdu joogtay”.
Gündogan ayaa dhinaca kale sheegay in uu sugi laayahay in uu ka garab ciyaaro Robert Lewandowski oo ay horay isaga soo garab ciyaareen Dortmund.
“Waxa aan dib ula midoobi doonaa saaxiibkaygii hore ee Lewandowski, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka hoos ciyaaro tababare kale oo aan jeclaa muddo dheer”.

Related



Source link