Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Man City ayaa dalab 77 milyan ah ka gudbisay xiddiga kooxda RB Leipzig ee Josko Gvardiol (Sky Sport Germany).
Xiddiga Nicolas Jackson ayaa si buuxda ugu baasay tijaabada caafimadka ee kooxda chelsea (Athletic).
Mikel Arteta ayaa iska diiday kooxda PSG waxana uu qirtay in uu ku faraxsanyahay kooxda Arsenal (Marca).
Kooxda Arsenal ayaa dalab cusub ka gudbiayy xiddiga kooxda Ajax ee Jurrien Timber (Mail).
Kooxda Al-Ahli ee ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ayaa ku dhaw sxiixa xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Roberto Firmino (Fabrizio Romano).
Kooxda Al-Nassr ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Hakim Ziyech (Fabrizio Romano).
Tababaraha Man United ee Erik Ten Hag ayaa doonaya in uu iska iibiyo 11 xiddig oo kooxdiisa ah maadama uu uruurinayo lacag dhan 100 milyan oo uu ku xoojiyo kooxdiisa (Mirror).
Man United ayaa doonaysa xiddiga Mohammed Kudus Iyo Taylor Booth kuwaas oo uu u doonayo badalka Mason Mount (Mirror).
Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay 45 milyan oo euro iyo waliba laba xiddig miiska u saarto West Ham si ay u helaan xiddiga Declan Rice (Football Insider).
Kooxda Man United ayaa diyaar u ah in ay 45 milyan ku iibiso xiddiga Jadon Sancho suuqa kla iibsiga xagaagan (Mail).
Daafaca dhexe ee Monaco Axel Disasi ayaa ‘hal talaabo u jira’ inuu ku biiro United (L’Equipe).
Man United ayaa loo soo bandhigay xiddiga kooxda Cheslea ee Christian Pulisic laakiin kooxda ayaa iska diiday in ay hesho saxiixa xiddiga (Metro).
Kooxda chelsea ayaa u sheegtay Brighton in ayna diyaar u ahayn in ay bixiso lacagta 80-ka milyan ee ay ku qiimayso xiddiga Moises Caicedo (The Times).
Kooxda Inter aya sugaysa dalab 50 milyan ah oo ay Man United ka gudbiso saxiixa Goolhaye Andre Onana (Gazzetta dello Sport).
Man United ayaa wadahadalo kula jirta Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus Adrien Rabiot kaas oo uu heshiiskiisu dhacayo dhamaadka bishan (The Athletic).
Kooxda Liverpool ayaa Tottenham kula tartamaysa saxiixa xiddiga daafaca kooxda Wolfsburg ee Micky van de Ven (Football Insider).
Sii Akhriso: Dhacdooyinka: Wiil Dhalinyaro Ah Oo U Lugeeyay Xajka Sanadkan, Dalkee Ayuu U Dhashay?

Related



Source link