Kooxda Arsenal ayaa dalab 2-aad ka gudbisay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Ajax ee Jurrien Timber sida ay sheegayaan wararku.
Gunners ayaa laga diiday dalab 30 milyan ah todobaadkii hore oo ay ku doonaysay xiddiga reer Netherlands.
Laakiin Arsenal ayaa haatan dalab cusub ka gudbisay saxiixa xiddiga iyaga oo ku rajo weyn in ay dhamaystiraan saxiixa xiddiga todobaadkan.
Ilaa haatan lama ogo qiimaha ay kooxda Arsenal haatan ka gudbisay saxiixa xiddiga iyada oo kooxda Ajax dalbanayso lacag dhan 42 milyan oo euro.
Dhinaca kale kooxda Arsenal ayaa haatan heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga daafaca ka ciyaara kaas oo ogolaaday in uu ku biiro Emirates.
Xiddiga Timber ayaa qalinka ku duugi doona heshiis ilaa sanadka 2028 ah waxana ay Arsenal ku rajo weyntahay wadahadalada ay kula jirto Ajax.
Related