Mikel Arteta ayaa damiyay wararka ku saabsan mustaqbalkiisa iyo xiisaha uu ka helayo kooxda PSG kuwaas oo suuqa ugu jira tababare cusub.
Tababaraha reer Spain ayaa helay amaan weyn kadib markii uu dib u soo nooleeyay Arsenal isla markaas ku hogaamiyay kaalinta 2-aad xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Bilowgii bishan waxa soo baxay warar sheegaya in ay PSG wadahadalo kula jirto Mikel Arteta si ay uga dhigaan tababarohooda cusub kadib Christophe Galtier.
Laakiin 41 jirkan oo u soo ciyaaray PSG muddo laba sano ah bilowgii sanadkii 2000 ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay kooxda Arsenal.
Waxa uu yiri: “Waxaan dhihi karaa kaliya waan ku faraxsanahay Arsenal. Waxaan dareemayaa lay jecelyahay, Milkiilayaasha iyo waliba taageerayaasha kooxdu”.

Related



Source link