Mikel Arteta ayaa ku tilmaamay Kai Havertz inuu yahay ciyaaryahan karti leh xilli Arsenal ay ku dhowdahay inay la wareegto weeraryahanka Chelsea.
Gunners ayaa Chelsea kala heshiisay saxiixa xiddiga iyaga oo ka bixinaya 65 milyan oo euro iyo waliba Lacago gunooyin ah.
Arsenal ayaa haatan tijaabada caafimaadka marinaysa xiddiga reer Germany waxana kaliya ka dhiman in lagu dhawaaqo saxiixiisa.
Markii la waydiiyay Kai Havertz Mikel Arteta ayaa yidhi”Tayadu qiimo ayay ku timaadaa, Arsenal mar walba waxa ay doontaa xiddigaha da’yarka ah ee khibrada leh”.
“Kai Havertz waxa uu haatanba muujiyay wax badan waxana uu ku guulaystay champions League”.
“Waa xiddig tayo leh, waa xiddig ka ciyaari kara boosas badan waana 24 sano oo kaliya”..

Related



Source link