Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Josko Gvardiol ayaa kooxdiisa u gudbiyay warqada bixitaanka si uu ugu qasbo kooxdiisa in uu ku biiro Man City.
Pep Guardiola ayaa doonaya saxiixa xiddiga Josko Gvardiol kaas oo uu doonayo in uu ku xoojiyo daafaca kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.
Man City ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Josko Gvardiol kaas oo diyaar u ah in uu ku biiro kooxda difaacanaysa premier League.
Sida laga soo xigtay SZ Sport, Xiddiga Josko Gvardiol ayaa maamulka RB Leipzig u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Man City inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Man City ayaa xiddiga Josko Gvardiol u aragta badalka Americ Laporte kaas oo la filayo in uu isaga tago kooxda Man City inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Related