Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Man City ayaa ka fiirsanaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Achraf Hakimi (Marca).
Man City ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Josko Gvardiol (Fabrizio Romano).
Sidoo kale Man City ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Bernardo Silva kaas oo lala xidhiidhinayo horyaalka sucuudiga (Times).
Kooxda Man United ayaa u dhaqaaqaysa saxiixa xiddiga kooxda Brighton ee Moises Caicedo kadib markii ay ka hadheen baacsiga Mason Mount (Times).
United ayaa ka xanaaqsan in ay chelsea wargaysyada u gudbiso dalabyada ay ka diidaysay saxiixa xiddiga Mason Mount (Manchester Evening News).
Kooxda Liverpool ayaa ku dhaw in ay dalab ka gudbiso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Napoli ee Victor Osimhen (Express).
Kooxda Bayern Munich ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong (Foot Mercato).
Liverpool ayaa diyaarinaysa dalab culus oo dhan 80 milyan oo euro oo ay ku doonayso xiddiga Inter ee Nicolo Barella taas oo qayb ka ah qorshaheeda dib u dhiska khadka dhexe (Il Tempo).
Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa iska diiday xiisihii kooxaha Saudi Pro League waxana uu go’aansaday in uu sii joogo Liverpool (Football Insider).
Kooxda Liverpool ayaan wali wax dalab ah ka gudbin xiddiga khadka dhexe ee kooxda Celtva Vigo ee Gabri Veiga (Daily Mail).
Liverpool ayaa la filayaa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Nice ee Khephren Thuram kaas oo sidoo kale lala xiriirinayo Newcastle (Football Insider).
Kooxda Bayern Munich ayaa haatan ugu cad-cad saxiixa xiddiga kooxda Chelsea ee Mason Mount (Guardian).
Man Utd ayaa weli ah kooxda ugu cadcad saxiixa daafaca Monaco Axel Disasi laakiin waxaa tartanka ku soo biiray Arsenal iyo Chelsea (RMC Sport).
Kooxda Arsenal ayaa laga yaabaa in ay Xiddiga Thomas Partey ka qayb dhigto heshiiska ay ku doonayso xiddiga kooxda West Ham ee Declan Rice (Times).
Kooxda Real Madrid ayaa laga yaabaa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga PSG ee Kylian Mbappe (Marca).
Related