Declan Rice ayaa go’aankiisa suuqa kala iibsiga xagaaga ku saleyn kara afar arrimood oo kala ah Kalvin Phillips, Rodri, John Stones iyo Mateo Kovacic sida uu qabo Robbie Fowler.
Arsenal ayaa kula dagaalameysa Manchester City saxiixa kabtanka kooxda West Ham United ka dib markii laga soo diiday labo dalab.
Gunners ayaa wajahaysa tartan aad u adag xilli uu Mikel Arteta Rice ka dhigtay bartilmaameedkooda 1-aad ee suuqa xagaaga.
West Ham ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso 100 milyan oo euro si ay u fasaxdo taas oo keentay in ay Arsenal ku fashilanto laba dalab.
City oo ku guulaystay saddex koob xilli ciyaareedkii hore ayaa la filayaa in ay Kooxda Arsenal kula tartanto.
Fowler ayaa sheegay in go’aanka Mustaqbalka Rice uu ku xidhanyahay in uu xiddigu ku kalsoon yahay in uu boos ka heli karo kooxda Pep Guardiola.
“Xiddiga Man City ee ay tahay in uu Rice tallo ka qaato waa Kalvin Phillips, Xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Phillips Man City ayaa noqday mid adag”.
“Rodri ayaa noqday xiddiga ugu muhiimsan Man City waxana uu ciyaaray kulamo badan”.
“Guardiola ayaa xitaa Stones u badalay xiddig khadka dhexe ah waxana uu qabtay shaqo fiican”
“Luminta Gundogan waa dhirbaaxo laakiin waxa ay ku dhawyihiin saxiixa Kovacic”.
“Sidaas darteed su’aasha Rice ay tahay in uu is waydiiyo ayaa ah in uu awood u yeelan karo in uu booska kala bixi karo xiddigahaas”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link