Xiddigii hore ee kooxda Arsenal Gilberto Silva ayaa ka hadlay baacsiga ay Arsenal ugu jirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham ee Declan Rice.
Arsenal ayaa Rice u doonaysa in ay ku xojiso khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe iyada oo Arteta doonayo in uu ku dhiso koox ku tartanta Premier League.
Laakiin Silva ayaa Arsenal u sheegay in ayna lacagta intaas leeg ka bixin Rice maadama suuqa haatan lacagtaas laga bixiyo weeraryahanada.
“Sida caadiga ah waxaad arkaysaa qiimahan oo kale weeraryahannada ayaa laga bixiyaa laakiin khadka dhexe lagama bixiyo”ayuu Silva u sheegay Casinos Online markii wax laga waydiiyay Declan Rice.
“Waxan dareemayaa in uu qiimhaas aad u sareeyo inkasta oo aana wax shaki ah ka qabin tayada xiddiga laakiin qiimaha ayaa aad u badan”.
“Waxan u sheegayaa in ay la soo saxiixdaan daafac dhexe oo ay ku nasiyaan Saliba xilli ciyaareedka dambe”.
“Waxa aan haysanaa Oleksandr Zinchenko oo ka ciyaari kara khadka dhexe iyo daafaca garabka bidix halka uu sidoo kale Tierney dhaawacyo la dhibaatoonayo.

Related



Source link