Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Juventus ayaa Liverpool u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 52 milyan oo euro si ay uga iibiso xiddiga garabka ka ciyaara ee Federico Chiesa kaas oo sidoo kale xiiso ka helaya Bayern Munich PSG (La Gazzetta dello Sport).
Kooxda Aston Villa ayaa sidoo kale xiiso u qabta saxiixa xiddiga Federico Chiesa (Birmingham Mail).
Kooxda Man United ayaa doonaysa saxiixa Goolhayaha Kooxda Inter Milan ee Andre Onana kaas oo ay doonayaan in ay ku badalaan David De Gea (90min).
United ayaa sidoo kale doonaysa Goolhayaha Kooxda Fc Porto ee Diogo Costa sidoo kale Goolhaye kooxda Brentford ee David Ryaa (Sky Sport).
Kooxda Bayern Munich ayaa si aad ah u doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Kalvin Phillips (Bild).
West Ham ayaa rumaysan in ay Arsenal dalab 100 milyan ah ka gudbin doonto xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice (Mail).
Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Chelsea ee Cesar Azpilicueta ayaa loo ogolaaday in uu isaga tago kooxda chelsea xilli ay Inter 2 sano u soo bandhigtay kadib markii uu diiday Bayern Munich (90min).
Kooxda Arsenal ayaa heshiis shaqsiga ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Southampton ee Romeo Lavia (Football Insider).
Kooxda Arsenal ayaa ku kalsoon in ay dhamaystiri doonto saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Ajax ee Jurrien Timber (90min).
Liverpool ayaa ka mid ah seddex kooxood oo Premier League ah oo wadahadalo kula jira xiddiga Weerarka uga ciyaara Napoli ee Victor Osimhen, kaasoo doonaya inuu u dhaqaaqo England (Sacha Tavoleri).
Fabio Carvalho ayaa lagu wadaa inuu tijaabada caafimaadka u maro RB Leipzig ka hor inta uusan amaah hal xilli ciyaareed ah ugu biirin kooxda Bundesliga ka dhisan. Liverpool ayaa diiday in ay si toos ah u iibiso xiddiga (Football Insider).
Liverpool ayaa muujisay rabitaan ku aadan saxiixa xiddiga kooxda Fiorentina Sofyan Amrabat, laakiin ma doonayaan inay bixiyaan 30 milyan oo euor (CorSport).
Reds ayaa sidoo kale ka caga jiidaysa inay bixiso 40 milyan oo euro oo lagu burburin karo heshiiska xiddiga kooxda Celta Vigo ee Gabri Veiga, waxaana ay rajeynayaan inay qiimo hoose kala xaajooto kooxda reer Spain oo dhawaan u magacawday Rafael Benitez inuu noqdo tababaraha cusub (Mundo Deportivo).
Kooxda Real Madrid ayaa ogolaatay in ay PSG kala wareegto xiddiga Kylian Mbappe kaas oo ay ka bixinayso lacag dhan 200 milyan iyo 50 saxiixiisa ah iyada oo xiddigu xagaagan ku biiri doono Real (PSG Community).
Xiddiga Mbappe ayaan kooxda PSG ku qasbi doonin in ay iibiso inta lagu jiro suuqa xagaagan si uu u qaato 90 milyan oo ku xidhan daacadnimadiisa (COPE).
Dhinaca kale Mbappe ayaa Real Madrid waydiistay lacag dhan 100 milyan hadii uu qaab xor ah ugu biiro kooxda xagaaga dambe (Marca).
Kooxda Liverpool ayaa diyaarinaysa dalab lacageed oo dhan 90 milyan oo ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Federico Valverde (El Nacional).
Klopp ayaa sidoo kale maamulka kooxdiisa u ogolaaday in ay dalab 55 milyan ah ka gudbiyaan xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Aurelien Tchouameni (El Nacional).
Chelea ayaa doonaysa in ay si shaqsi ah ula kulanto Man United si ay u dhamaystiraan saxiixa Mason Mount xilli ay Blues diiday dalabkii 3-aad ee ay United ku doonaysay xiddiga (Fabrizio Romano).
Kooxda Barcelona ayaa dalab 15 milyan ah ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Inter Milan ee Marcelo Brozovic (SPORT).

Related



Source link