Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay miiska u saartay dalab lacageed oo dhan 55 milyan oo euro kaas oo ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Aurelien Tchouameni.
Reds ayaa si xoogan loola xiriirinayay xiddiga reer France xagaagii hore laakiin waxa uu iska diiday Reds waxana uu ka doortay kooxda Real Madrid.
Xiddiga khadka dhexe ayaa sii waday qaab ciyaareedkiisa waxana uu 50 kulan u saftay Real Madrid xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Kadib dhamaadka xilli ciyaareedka Liverpool ayaa dib u soo cusboonaysiinaysa xiddiga khadka dhexe si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Sida laga soo xigtay El Nacional, Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay mar kale isku daydo saxiixa xiddiga khadka dhexe kaas oo uu Klopp taageere u yahay.
Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool diyaarinayso dalab 55 milyan ah si ay u hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Related