Kooxda Arsenal ayaa u muuqata kuwo ku sii dhawaanaya saxiixa xiddiga Kai Havertz kaas oo qarka u saaran in uu ku biiro Gunners.
Sida laga soo xiganayo Football Transfe xiddiga Kai Havertz ayaa tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Arsenal si uu u dhamaystiro heshiiska.
Arsenal ayaa todobaadkan Chelsea kala heshiisay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara si ay uga dhigto saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa xagaaga.
Xiddiga weerarka ka ciyaara ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Arsenal waxana uu haatan ku dhawyahay in uu noqdo xiddig Arsenal ah.
Xiddiga Kai Havertz ayaa ku sugan Garoonka Tababaraha Arsenal si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda Arsenal.
Kooxda Arsenal ayaa la filayaa in ay maalmaha yar ee soo socda ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga kana dhigto saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa xagaaga.
Related