Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Thomas Partey ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Juventus si uu ugu biiro kooxda ka ciyaarta horyaalka Talyaaniga.
Gunners ayaa Thomas Partey u sheegtay in uu boorsooyinkiisa ka qaato Emirates iyada oo kooxdu suuqu ugu jirto xiddigo khadka dhexe ah.
Sida laga soo xigtay Sky Sport Italia, Partey ayaa Juventus la gaadhay heshiiska shaqsiga ah waxana uu qalinka ku duugayaa heshiis 3 sano ah oo uu ugu biirayo kooxda.
Juventus ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay dalab 17 milyan ah ka gudbiso xiddiga khadka dhexe si ay uga dhigto saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa xagaagan.
Heshiiska ayaa la filayaa in uu dhoco maalmaha soo socda iyada oo Arsenal ka fogaanaysa in ay xor ku waydo xiddiga xagaaga dambe marka uu dhoco heshiskiisu.

Related



Source link