Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Arsenal inkasta oo ay Man City ku soo biirtay tartanka saxiixiisa (Gurdian).
Arsenal ayaa doonaysa in ay Declan Rice ka dhigto kantanka kooxda si ay ugu garaacdo saxiixiisa kooxda Man City (Mail).
Xiddiga Liverpool ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha ka ciyaara horyaalka sucuudiga (Four Four Two).
Wakiilka Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in uuna Tababaraha uusan ka tagi doonin kooxda Liverpool (Bild).
Kooxda Ac Milan ayaa rajaynaysa in ay Inter ku garaacdo saxiixiisa xiddiga Romelu Lukaku (Gazzetta dello Spors).
Kooxda Bayern Munich ayaa dalab 3 sano ah u soo bandhigtay xiddiga daafaca ka ciyaara ee Kyle Walker (Bild).
kooxda Inter Milan ayaa doonaysa saxiixiisa xiddiga kooxda chelsea ee Cesar Azpilicueta (sky Italia).
Xiddiga Lionel Messi ayaa Kylian Mbappe u sheegay in uu ku biiro kooxda Barcelona (Defense Central).
Related