Manchester United ayaa chelsea kula laabatay dalab 3-aad oo dhan 55 milayn oo euro kaas oo ay ku doonayso xiddiga khadka dehxe Chelsea iyo England Mason Mount.
The Athletic ayaa sheegtay Arbacadii in United laga diiday dalab dhan 50 milyan oo euro oo ay 45 milyan tahay lacag toos ah halka ay 5 milyan tahay lacag guno ah oo laga diiday.
Chelsea ayaa u sheegtay United in ay bixiso lacag dhan 60 milyan oo euro iyo waliba 7 milyan oo Guno ah laakiin United ayaa haatan mar kale soo laabatay iyaga oo doonaya in ay xal helaan.
Dalabka 3-aad ee ugu dambeeya ayaa ah 50 milyan oo lacag toos ah iyo waliba 5 milyan oo Gunooyin ah.
Mount ayuu hal sano uga dhimanyahay heshiiskiisa kooxda chelsea waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Related



Source link