Manchester City ayaa ku dhow inay la soo wareegto Declan Rice oo ka tirsan West Ham inkastoo uu doorbidayo inuu ku biiro Arsenal sida ay sheegayaan wararku.
Sky Italy ayaa sheegaya in kooxda Premier League ku kalsoontahay in ay ku guulaysato saxixia xiddiga reer England kuna garaacdo.
Gunners ayaa laga diiday laba dalab oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga 24 jirka ah oo ah bartilmaameedkooda 1-aad iyada oo Gunners ku fashilantay in ay bixiso lacagta ay West Ham doonayso.
West Ham ayaa doonaysa in ay ku iibiso Rice lacag dhan 100 milyan oo euro waxana haatan la rumaysanyahay in ay Man City ku dhawdahay saxiixa xiddiga.
Rice ayaa laftiisa doonaya in uu ku biiro kooxda Arsenal laakiin waxa uu sidoo kale u furanyahay in uu ku biiro Man City hadii ay dhici waydo in uu ku biiro Arsenal.

Related



Source link