kooxda Man City ayaa dalab Rasmi ah ka gudbinaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice laakiin xiddiga ayaa ka meer meeraya in uu ku biiro Man City.
Tan ilaa haatan Rice ayaa doonayay in uu ku biiro kooxda Arsenal si uu u hogaamiyo kooxda Mikel Arteta ee da’yarka ah.
xiddiga reer England ayaa lagu soo waramaya in ay jirto laba sabab oo uuna Rice doonayn in uu ugu biiro kooxda Man City suuqa kala iibsiga xagaaga.
sababta ugu horaysa ayaa ah in uu xiddigu ka wal-walayo fursadihiisa ciyaareed maadama ay isku boos yihiin xiddiga Rodri.
Sababta kale ayaa ah in uu ka shakisanyahay mustaqbalka Tababaraha kooxda ee Pep Guardiola kaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda.
Related