Madaxda horyaalka sucuudiga ayaa lagu soo waramayaa in ay maamulka kooxaha ka ciyaara horyaalka sucuudiga ku amreen in ay dhamaystiraan saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah sida ay sheegayaan wararku.
Kooxaha sucuudiga ayaa wacdaro ka dhigaya suuqa xagaaga iyaga oo haatanba horyaalkooda u leexiyay xiddigo badan oo heer caalami ah ilaa haatan.
Xiddigaha Karim Benzema iyo N’Golo Kante ayaa ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn ee ilaa haatan ku biiray horyaalka sucuudiga inta uu furanyahay suuqa kala iibsiga xagaagan.
Laakiin Kooxaha ka ciyaara horyaalka sucuudiga ayaa dareenkooda u jeedinaya sidii ay Salah u keeni lahaayeen Horyaalka sucuudiga si ay u dhisaan horyaal heer sare ah.
Liverpool ayaa haatan wadnaha farta ku haysa iyada oo Salah laf dhabar u yahay kooxda isla markaas sanad walba dhaliyay goolal badan oo muhiim ah.
Kooxda Liverpool ayaa heshiis wakhti dheer ah ka saxiixatay xiddiga Salah xagaagii hore waxana laga yaabaa in ay diidaan dalab walb oo u yimaada xiddiga.
Related