kooxda chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Villarreal Nicolas Jackson sida ay sheegayaan Wararku.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in ay chelsea dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara.
Villarreal ayaa aqbashay dalabka Chelsea oo dhan 35 milyan oo euro si ay u iibiyaan xiddiga garabka ka ciyaara.
kooxda chelsea ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga si ay uga dhigaan saxiixyada cusub ee kooxda.
xiddiga 22 jirka ah ayaa ka mid ahaa Xiddigaha ugu fiican horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Related



Source link