Kooxda Arsenal ayaa wax walba u samaynaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice iyada oo tartan adag kala kulmaysa kooxda Man City.
Arsenal ayaa dajisay qorshe ay Ku soo jiidanayso Rice si uu isaga diido kooxda Man City kana doorto ku biirista Emirates.
Wararka ayaa sheegaya in uu Rice u furanyahay ku biirista labada kooxoodba inaksta oo uu doorbidayo u dhaqaaqista kooxda Mikel Arteta.
Sida laga soo xigtay wargayska Mailonline, Arsenal ayaa diyaar u ah in ay kabtan ka dhigto xiddiga Declan Rice hadii uu iska diido Man City kuna biiro Arsenal.
Arsenal ayaa haatan leh kabtan waana xiddiga Martin Odegaard Laakiin Gunners ayaa xiddiga Rice u soo bandhigaysa in ay ka dhigaan kabtanka kooxda hadii uu ku biiro kooxda.
Rice ayaa haatan ah kabtanka kooxda West Ham waxana uu Arteta la dhacsanyahay hogaamintiisa taas oo keentay in uu u soo bandhigo kabtanimada kooxda.

Related



Source link