Thomas Partey ayaa ku wargaliyay Juventus inuu doonayo inuu ku biiro kooxda Serie A ka dhisan xagaagan.
Xiddiga reer Ghana ayaa Arsenal kaga soo biiray Atlletico Madrid 3 sano ka hor waxana uu door muhiim ah ka ciyaaray in ay Arsenal horumar samayso.
Arsenal ayaa haatan u furan in ay iska iibiso xidiga 30 jirka ah marka la eego in 2 sano ka dhimanyahay heshiiskiisa sidoo kale uu ku dhibaatooday taam ahaanshaha.
Kooxo badan ayaa lala xidhiidhinayaa xiddiga waxana ka mid ah kooxo ka ciyaara horyaalka sucuudiga kuwaas oo diyaarinaya dalab 40 milyan ah.
Sida laga soo xigtay Sky Italy, Partey ayaa ogolaansho siiyay Juventus waxana ay diyaarinaysaa dalab 20 milyan ah si ay u hesho xiddiga khadka dhexe.

Related



Source link