Real Madrid ayaa raadineysa badalka Carlo Ancelotti kaas oo sida ay wararku sheegayaan qarka u saaran inuu kooxda ka tago dhamaadka xilli ciyaareedka 2023-2024.
Ka dib markii uu ku guuleystay LaLiga iyo Champions League xilli ciyaareedkiisii ​​​​ugu horeysay ee Madrid 2021-22, kooxda Ancelotti ayaa xilli ciyaareedkii hore soo bandhigtay xilli ciyaareed aan fiicnayn.
Real Madrid ayaa laga reebay champions League iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxda Man City kulan Semi-final-ka tartanka waxana ay 10 dhibcood ka dambaysay Barcelona tartanka La Liga xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Kooxda Real Madrid ayaa ku guulaystay Copa Del Rey halka ay sidoo kale ku guulaysteen koobabka UEFA Super Cup iyo Club World cup.
Heshiiska Ancelotti ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana lala xidhiidhinayaa xulka qaranka Brazil kuwaas oo raadinaya tababare cusub.
Sida laga soo xigtay wargayska Bild, Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa go’aansaday in uu Xabi Alonso ku badalo tababare Carlo Ancelotti.

Related



Source link