Waxa la soo saaray jadwalka horyaalka La Liga ee xili ciyaareedka 2023/2024 iyada oo kooxaha ka qayb galaya ogaadeen kulamada iyo wakhtiyada ay ciyaari doonaan.
Kadib jadwalka taageerayaasha adduunka ayaa sugaya in ay ogaadaan wakhtiga la ciyaari doono kulanka ugu qiimaha badan ee El Clasico ee ay wada ciyaari doonaan Barca Iyo Real.
Kulankan ayaa ah mid si dhaw loo sugo sanad walba marka la soo saaro jadwalka horyaalka La Liga.
Kulanka hore ee El Clasico ayaa dhexmari doona kooxaha Barcelona iyo Real Madrid 29 October ee sanadka 2023 halka kulanka xiga dhici doono 21 bisha 4 ee sanadka 2024.
Related