Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Newcastle ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga kooxda Ac Milan ee Sandro Tonali (Athletic).
Kooxda Man United ayaa Arsenal kula biirtay tartanka Declan Rice waxana ay diyaar u yihiin in ay Maguire iyo McTominay ku daraan heshiiska ay ku doonayaan Rice (Telegraph).
West Ham ayaa dhinaceeda doonaysa xiddiga McTominay hadii uu Rice ka tago kooxda (Talksport).
Kooxda Man City ayaa sidoo kale ku biirtay tartanka saxiixa Rice waxana ay diyaarinayaan dalab Rasmi ah (ESPN).
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Bernardo Silva ayaa ku dhaw in uu ku biiro horyaalka sucuudiga (Marca).
Kooxda Bayern Munich ayaa diyaar u ah in ay Sadio Mane ka iibiso kooxda Newcastle United (Bild).
Kooxda Napoli ayaa u sheegtay Man United iyo chelsea in ay bixiyaan 180 milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa Victor Osimhen (Le Parisien).
Kooxda Man United ayaa u dhaqaaqaysa saxiixa Goolhayaha Kooxda Inter Milan ee Andre Onana, (Sky Italy).
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Ryan Gravenberch ayaa isku diyaarinaya in uu u dhaqaaqo kooxda Liverpool (Mirror).
Xiddiga kooxda Arsenal ee Jorginho ayaa iska diiday in uu ka tago kooxda Arsenal kadib xiiso uu ka helay Lazio (Evening Standard).
Kooxda Real Madrid ayaa go’aansatay in ay isaga hadho baacsiga Harry Kane si ay u sugto Kylian Mbappe (Marca).
Kooxda chelsea ayaa hoos u dhigaysa qiimaha ay Man United kaga iibinayso xiddiga Mason Mount (Athletic).
Klopp ayaa maamulka kooxdiisa ogolaansho u siiyay in ay dhamaystiraan saxiixa xiddiga Bayern Munich ee Ryan Gravenberch (Mirror).
Related