Kooxda Man United ayaa lagu soo waramaya in ay Harry Kane u sheegtay in uu Tottenham ku qasbo in uu boxo kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in uu doonayo u dhaqaaqista Old Trafford xagaagan.
Kane ayaa rajaynaya in ay United dib u soo cuboonaysiiso xiisaha ay u qabtay saxiixiisa kana gudbiso dalab xilli uu doonayo in uu isaga tago kooxda.
Inkasta oo ay United soo afjartay xiisaha ay u qabto saxiixa Kane hadana Erik Ten Hag ayaa wali doonaya in uu xiddiga keeno laakiin Red Devils ayaa diidan in ay lacag badan ka bixiso xiddiga.
Laakiin sida laga soo xigtay The Sun, Harry Kane ayaa doonaya in uu ku biiro United waxana ay kooxdu u sheegtay in uu Tottenham ku qasbo in uu boxo suuqa xagaagan.
Wararka ayaa sheegaya in ay United doonayso in uu Kane Warqada bixitaanka u gudbiyo kooxdiisa ay Tottenham ugu qasabto in uu boxo suuqa xagaagan.

Related



Source link