Danny Murphy ayaa xiddiga West Ham ee Declan Rice u sheegay in uu warqada bixitaanka u gudbiyo maamulka West Ham si uu ugu qasbo ku biirista Arsenal.
Arsenal ayaa ilaa haatan laga diiday 2 dalab oo ay ku doonaysay Rice iyada oo dalabkii uu dambeeyay ahaa 90 milyan oo euro.
Rice ayaa la xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda West Ham inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan kadib markii uu kooxda kula guulaystay koobka Europa Conference League.
Laakiin West Ham ayaan wali wax dalab ah aqbalin, Hadii Arsenal laga diido dalab 3-aad waxa dhici karta in uu Rice sii joogo kooxda West Ham.
Murphy oo la hadlaya TalkSport ayaa Rice u sheegay in uu arimaha gacantiisa ula tago si uu u hubiyo ku biiristiisa Arsenal.
“Sida ay haatan wax yihiin Man City si dhab ah uma doonayso, sidoo kale wax deg-deg ah kuma jiro Arsenal”ayuu yidhi xiddigii hore ee khadka dhexe.
“Waxa y gaadhi kartaa mar ay tahay in uu Rice go’aan qaato arinta gacmihiisa ula tago”.
“Waa in aad saayso sidii Craig Bellamy, Joey Barton sidoo kale aan aniga laftaydu sameeyay”
“Waxa aan uga jeedaa in aad si cad u muujiso in aad rabto bixitaanka waliba aad West Ham ku qasabtid in ay kuu ogolaadaan in aad baxdid”.
Related