Chelsea ayaa Man United Rajo ka siisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Mason Mount kaas oo ay Red Devils aad u doonayso saxiixiisa.
Kooxda chelsea ayaa hoos u dhigtay qiimaha ay ku iibinayso xiddiga reer England kadib markii ay Blues 2 dalab ka diiday kooxda Man United.
Chelsea ayaa Man United ka diiday laba dalab oo uu midkii ugu dambeeyay ahaa 50 milyan oo euro iyada oo aad uga hoosaysay qiimaha chelsea oo 75 milayn oo euro ahaa.
Heshiiska Mount ee chelsea ayaa dhacaya sanadka 2024 waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.
Kooxda chelsea ayaa haatan ogolaanaysa dalab lacageed oo dhan 60 milayn oo euro si ay xiddiga ugu ogolaato in uu isaga tago kooxda suuqa xagaagan.
Related