Kooxda Man City ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Mateo Kovacić kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda chelsea.
Man City ayaa chelsea kala heshiisay saxiixa xiddiga reer Croatai ee Mateo Kovacić sida uu xaqiijiyay Fabrizo Romano.
Labada kooxood ee chelsea iyo Man City ayaa si buuxda uga heshiiyay saxiixa xiddiga iyaga oo ku heshiiyay lacag dhan 30 milyan oo euro.
Xiddiga khadka dhexe ayaa 2 todobaad ka hor heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Man City si uu ugu biiro kooxda.
Xiddiga ayaa haatan isku diyaarinaya in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Man City si loogu dhawaaqo heshiiskiisa.
Related