Waxa inagu soo food leh furitaanka suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo ay kooxaha isku diyaarinayaan in ay xoojiyaan kooxdooda.
Xilli dhamaad ku dhawyhaya xilli ciyaareedka 2022/2023 waxa ay taageerayaashu u dhag taagayaan xiddigaha ay kooxohoodu la soo saxiixan doonaan.
kooxaha ayaa haatanba bilaabay dadaalada ay ku doonayaan in ay ku sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.
Hadaba halkan waxa aan si joogto ah idiinku soo gudbin doonaa saxiixyada dhaca inta uu furanyahay suuqa xagaaga mrka ay koox kasta ku dhawaaqdo saxiixayda waaweyn iyo saxiixyada kaleba.
Mateo Kovacic -> Man City:
Kooxda Man City ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Mateo Kovacić kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda chelsea.
Man City ayaa chelsea kala heshiisay saxiixa xiddiga reer Croatai ee Mateo Kovacić sida uu xaqiijiyay Fabrizo Romano.
Labada kooxood ee chelsea iyo Man City ayaa si buuxda uga heshiiyay saxiixa xiddiga iyaga oo ku heshiiyay lacag dhan 30 milyan oo euro.
Joselu -> Real Madrid:
Kooxda Real Madrid ayaa dhamaystirtay sxiixa xiddiga ka ciyaara weerrarka ee Joselu kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Espanyol.
Joselu Ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2024 ah waxana ay kooxda Espanyol siisay lacag dhan 500 kun oo Gini.
Lionel Messi -> Inter Miami:
Kooxda Inter Miami ee dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay la soo wareegtay xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi.
Messi ayaa dhawaan ku dhawaaqay dookhiisa u ciyaarida kooxda Inter Miami kadib markii uu soo dhamaaday heshiiskii uu kula jiray kooxda PSG.
Kooxda reer America ayaa daabacday muuqaal Messi iyo wararkii badnaa ee lala xidhiidhinayay kooxaha kala duwan ee Barcelona iyo Al-Hilal.
Jude Bellingham -> Real Madrid:
Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jude Bellingham kaas oo ay kala wareegtay kooxda Borussia Dortmund.
Jude Bellingham ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa sanadka 2029 ah waxana uu ka mid noqon doonaa xiddigaha cusub ee kooxda Real Madrid.
N’Golo Kante -> Ittihad:
Xiddiga kooxda chelsea ee N’Golo Kanté ayaa ku biiray kooxda Al Ittihad ee ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.
Kooxda Al Ittihad ayaa heshiis 2 sano ah ka saxiixatay xiddiga khadka dhexe ee reer France isaga oo xiddiga ay isku dalka yihiin ee Benzema kula biiri doona kooxda.
Karim Benzema -> Al Ittihad:
Xiddiga Karim Benzema ayaa si Rasmi ah ugu biiray kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al Ittihad sida ay xaqiijisay kooxdu.
Xiddiga Karim Benzema ayaa kooxda Al Ittihad u saxiixay heshiis 2 sano ah oo uu ugu ciyaari doono kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.
Alexis Mac Allister -> Liverpool:
Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii uu horeeyay ee suuqa xagaaga.
Liverpool ayaa xiddiga Alexis Mac Allister ka saxiixanaysa heshiis ilaa sanadka 2028 ah waan heshiis 5 sano ah.
Iñigo Martinez -> Barcelona:
Xiddiga daafaca ka ciyaara ee Iñigo Martinez ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Barcelona.
Xiddiga ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2025 ah waxana uu noqday saxiixii ugu horeeyay oo ay Barcelona samaysay xagaagan.
Fran García -> Real Madrid:
Real Madrid ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee samaysa saxiix suuqa xagaaga iyada oo Ancelotti xaqiijiyay in ay dib ula soo waregeen xiddiga daafaca bidix ka ciyaara ee Fran García.
Los Blancos ayaa xiddiga kala soo wareegtay kooxda Rayo Vallecan oo uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay xilli ciyaareedkan.
Christopher Nkunku -> Chelsea:
Xiddiga kooxda RB Leipzig ayaa haatan la xaqiijiyay in uu xagaagan ku biiri doono kooxda chelsea kadib markii uu dhamaaday xilli ciyaareedka Bundesliga.
Chelsea ayaa Nkunku la saxiixatay xagaagii hore laakiin waxa ay u ogolaadeen xiddigu in uu sii joogo kooxdiisa RB Leipzig xilli ciyaareedka.
Haatan xiddiga ayaa isku diyaarinaya in uu noqdo xiddig chelsea ah kadib markii uu dhamaaday xilli ciyaareedka Bundesliga waxana uu noqon doonaa saxiiixa ugu horeeya ee chelsea.
Marco Asensio -> PSG:
Kooxda PSG ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga Marco Asensio kaas oo ay qaab xor ah kula wareegayso kadib markii uu dhacay heshiiskiisa Real Madrid.
Kooxda PSG ayaa xiddiga Marco Asensio ka saxiixatay heshiis ilaa 2027 ah waxana uu ka mid noqday xiddigaha ay kooxda PSG isku xoojinayso.
Related