Kooxda Arsenal ayaa dhamaustirtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Kai Havertz sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano.
Arsenal ayaa Kai Havertz ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga kadib markii ay chelsea kala heshiisay qiimaha xiddiga.
Chelsea iyo Arsenal ayaa isku af gartay in ay ku heshiiyaan qiimo dhan 60 milyan oo lacag toos ah iyo waliba 5 milyan oo euro oo Gunooyin ah.
Xiddiga reer Germany ayaa haatan isku diyaarinaya in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Arsenal si uu u dhamaystiro heshiiska.
Xiddiga Kai Havertz ayaa qalinka ku duugi doona heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono kooxda Arsenal sanadaha soo socda.

Related



Source link