Declan Rice ayaa rajeynaya inuu noqdo ciyaaryahan Arsenal ah bilowga bisha July iyadoo Gunners ay diyaarineyso dalabka labaad ee kabtanka West Ham.
Mikel Arteta ayaa ka dhigay Rice mid ka mid ah bartilmaameedyadiisa ugu sareeya suuqa kala iibsiga xagaagan, Arsenal ayaana dooneysa inay si dhaqso ah u dhameystirto heshiiska xiddiga reer England.
Kooxda West Ham ayaa diiday dalab 80 milyan ah oo ay ka gudbisay saxiixa xiddiga Declan Rice iyada oo kooxdu rajaynayso in ay lacag badan ku hesho xiddiga.
Si kastaba ha ahaatee, MailOnline ayaa ku warameysa in Rice ay dooneyo in uu ku biiro Arsenal isla markaas uu filayo in uu Gunners ku biiro bisha dambe.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay kooxda Arsenal u sheegtay West Ham in ay diyaar u tahay in ay bixiso lacag dhan 100 ilyan oo euro si ay u hesho xiddiga.

Related



Source link