Kooxda Arsenal ayaa u muuqata kuwo doonaya in ay wakhti hore ka adeegtaan suuqa kala iibsiga xagaaga iyaga oo suuqa ku mashquulsan si ay u xoojiyaan kooxda.
Arsenal ayaa haatan la sheegyaa in ay ku dhawdahay 3 xiddig kuwaas oo kala ah Timber, Havertz iyo Rice kuwaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxda.
Kooxda ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay dhamaan 3-da xiddig waxana ay haatan kaliya sugto ayaa in ay kooxohooda kala heshiiyaan qiimaha.
Inkasta oo ilaa haatan dhamaantood laga diiday dalabyadii ay ka gudbisay 3-da xiddig hadana Arsenal ayaa wali ku rajo qabta saxiixa xiddigaha.
Arteta ayaa 3-da xiddig ka dhigtay bartilmaameedyadiisa ugu muhiimsan waxana uu doonayaa in uu helo si uu ugu xoojiyo kooxdiisa.
Hadaba waxa la soo bandhigay sida ay noqon karto shaxda Arsenal hadii ay helaan 3-da xiddig ee ay ku dhawyihiin.

Related



Source link