Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarsatay Liis 5 tababare oo ay doonayaan in ay ku badalaan Carlo Ancelotti.
64 jirkan ayuu heshiiskiisa kooxda caasimada dhacayaa bisha June ee snaadka dambe waxana si weyn loola xidhiidhinayaa ka tagista Bernabue.
Wargayska reer Brazil ee Globo ayaa sheegaya in uu Carlo Ancelotti heshiis la gaadhay xulka qaranka Brazil si uu u noqdo tababarohooda cusub saandka dambe marka uu dhoco heshiiskiisa Real Madrid.
Sida laga soo xigtay wargayska Mundo Deportivo, Real Madrid ayaa diyaarstay 5 tababare oo la doonayo in lagu badalo tababare Carlo Ancelotti.
Tababarayaasha Raul, Xabi Alonso, Jose Mourinho, Julian Nagelsmann & Antonio Conte ayaa ka mid ah tababarayaasha Real Madrid doonayso in ay ku badasho Ancelotti.
Tababare Ancelotti ayaa kooxda Real Madrid ka sameeyay taariikh kadib markii uu kula guulaystay koobab tan ilaa markii uu kula soo laabtay.

Related



Source link