Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay riixeyso inay dhameystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Bayern Munich Ryan Gravenberch xagaagan.
21 jirkaan ayaa soo afjaray afar sano oo uu joogay kooxda reer Holland ee Ajax si uu ugu biiro Bayern xagaagii hore heshiis ku kacaya €18m oo u dhiganta (£15.4m).
Si kastaba ha noqotee, Gravenberch wuxuu ku dhibtooday inuu si joogto a ugu ciyaaro kooxda Bayern Munich isaga oo kaliya ku bilowday 5 kulan 33-kii kulan ee uu u ciyaaray tartamada oo dhan.
Gravenberch ayaa wali afar sano uga harsan tahay qandaraaskiisa, laakiin ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa soo jeediyay inuu diyaar u yahay inuu ka tago Allianz Arena xagaagan isagoo raadinaya waqti uu ku ciyaaro.
Sida laga soo xigtay wargayska Bild, Liverpool ayaa riixaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe si ay ugu xoojiso khadka dhexe.
Klopp ayaa la aamisanyahay in uu taageere u yahay xiddig waxana uu doonayaa in uu ka qayb dhigo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.
Related