Arsenal ayaa looga digay saxiixa daafaca kooxda Ajax ee Jurrien Timber Iyada oo loo sheegay in uuna ku soo baxayn kubada cagta England.
Gunners ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Ajax si ay u helaan saxixia xiddiga daafaca ka ciyaara inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Halyeeyga Man United iyo xulka Netherlands ee Jaap Stam ayaa u sheegay Arsenal in uu Timber si weyn ugu dhibaatoon doono horyaalka premier League.
“Halkani waa premier League mar walbana awood uma ciyaari kartid, waxa aad ka hor tagaysaa weeraryahano halis ah sida Kane iyo Haaland”.
“Cid walba markii hore waxa ay Hadal haysay Lisandro Martinez waxana laga cabsi qabay sida uu ula qabsan doono laakiin wuu la qabsaday”.
“Laakiin Timber waxa ka maqan waxoogaa awood ah xitaa marar qaar iskama xanaajin karno ciyaarta dhexdeeda”.
Related